Kabila oo ku guuleystay doorashada

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo

Guddiga doorashada ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa ku dhawaaqay in Joseph Kabila uu ku guuleeystay doorashada madaxtinimada.

Codadka la tiriyay ayaa Joseph Kabila waxa uu helay 49 boqolkiiba halka ninkii la tartamayay Eitenne Tshisekedi uu helay 33 boqolkiiba.

Natiijada ayaa waxa la filayay maalintii Talaadada, laakiin dib u dhacday.

Saraakiisha ayaa sheegay in waddanka oo aad u ballaaran ay sabab u ahayd dib u dhaca.

Ammaanka ayaa la xoojiyay haddii banaanbaxyo ay dhacaan, kadib markii la sheegay inay jireen ku shubasho.