Gantaal lagu riday xero Baardheere

ICRC Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dhaqaatiirta ICRC

War ay magaalada Geneva ka soo saartay hay'adda Laaqeyrta Cas ee caalamiga ah waxay ku sheegtay in xarun quudin oo ay maamulaysay ururka bisha cas ee Soomaaliya oo ku taalla magaalada Baardheere uu gantaal ay dayuuradi soo ridday ku dhacay.

Xarunta quudinta oo aanay cidina joogin markii weerarku dhacay, waxaa soo gaaray qasaaro alaabta ah.

Madaxa ergada ICRC ee Soomaaliya, Pascal Mauchle, waxaa uu sheegay in ICRC iyo ururka bisha cas ee Soomaaliyeed ay mar kale xasuusinayaan dhinacyada dagaallamaya in dadka rayidka ah iyo qalabka hawlaha rayidka ah lagu qabto ay tahay in la xushmeeyo, mar walbana la ilaaliyo, iyadoo la raacayo qawaaniinta caalamiga ah.

Waxaana uu yiri marka weerar lagu qaadayo dagaalyahannada cadawga waa in la iska ilaaliyo in waxyeello loo geysto dadka iyo alaabooyinka hawlaha rayidka, sida isbitaallada iyo goobaha quudinta.