Muran ku saabsan gudniinka gabdhaha

Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ka socda khilaaf ku saabsan gudniinka gabdhaha.

Baarlamaanku wuxuu hore u ansixiyay gudniinka gabdhaha ee sunniga loo yaqaan aanuu sharci darro ahayn, iyadoo la leeyahay diin ayaa lagu saleeyay.

Laakiin baarlamaanku wuxuu mamnuucay gudniinka loo yaqaan fircooniga.

Afarta Wasiir ee la soo eedeeyay oo ay ka mid yihiin Wasiirka Haweenka iyo Wasiirka Waxbarashada waxaa lagu eedeeyay in ay jeediyeen in Puntland ay mamnuucday dhammaanba gudniinka gabdhaha.

Mudanayaal baarlamaanka ah ayaa dalbaya in Wasiirrada loo qaado cod kalsooni ah.