Panetta oo jooga Djibouti

Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Leon Panetta, ay booqasho ku tegey Djibouti waxaana socdaalkiisu la xiriiraa wadahadal ku saabsan la dagaallanka argagixisada.

Panetta wuxuu sheegay in al Qaacida ay si isa soo tareysa culeyska u saartay Somalia iyo Yemen.

Wuxuu sheegay in al Qaacida ay doorbideyso labadaa dal marka loo fiiriyo dhulalka qabaa'ilka ee Pakistan.

Djibouti waxaa ku yaalla saldhigga militeri ee Mareykanka ah ee ugu weyn Afrikada ka hooseysa lama degaanka Saxaaraha.

Waa goobta ay ka duulaan dayaaradaha weerarka ee aan duuliye wadin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in hadda Mareykanku daneynayo in uu xarumo dayaaradahaasi kacaan ka sameysto dalal ay ka mid yihiin Ethiopia iyo jaziiradda Seychelles.