Amnesty oo eedeysay Ethiopia

Kooxda xuquuqda aadanaha u doodda ee, Amnesty International, ayaa ku eedeeysay dowladda Ethiopia inay qaaday wax ay ugu yeertay ugaarsigii ugu darnaa ee xorriyadda fikirka sanado badan.

Waxa ay sheegtay in ugu yaraan 140 siyaasiyiin mucaarad ah iyo weriyayaal in la xiray ilaa bishii Maarso ee sanadkan.

Amnesty waxa ay sheegtay in intooda ugu badan loo xiray sababtoo ah waxa ay dhaleeceyn sharci ah oo nabadgelyo ah u soo jeediyeen dowladda.

Ma jirto wax jawaab ah oo ilaa hadda ka soo baxay dowladda Ethiopia.

Waxaa hadda ka hor ay dowladdu ku tilmaantay xariggaasi kooxo argagaxiso ah oo iska dhigaya inay nabadda u ololeeyaan.