Ciidamada Maraykanka oo ka baxaya Ciraaq

Ciidamada Ciraaq Lahaanshaha sawirka
Image caption Ciidamada Ciraaq ayaa maalmaha soo socda ka wada baxaya Ciraaq.

Munaasabad ayaa ka dhacaysa maanta Ciraaq oo oo lagu xusayo ciidamada Maraykanka oo sagaal sanno ka bacdi waddanka ka tagaayo.

Kumanyaal ciidamada Maraykanka oo ku haray Ciraaaq ayaa la filayaa inay ka baxaan maalmaha soo socda.

Hadal uu u jeediyay Madaxaweyne Obama ciidamo soo noqday ayuu sheegay in ka bixida Ciraaq ay taahay mid taarikhi ah, wuxuuna ku amaanay sida wanaagsan ee ay shaqadooda u qabteen.

Ku dhawaad afar kun iyo shan boqol oo Maraykan ah ayaa ku dhintay dagaalka Ciraaq, in ka badan boqol kun reer oo Ciraaqna waa ku dhinteen tan iyo intii uu bilaabmay dagaalka 20003dii.

Waxaa cabsi laga qabaa in markii ciidamada Maraykanka ay baxaan in Iran ay saamayn ku yeelato Ciraaq.