Mareykan oo ka baxay Ciraaq

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidanka Mareykanka oo ka gudbaya soohdinta Kuweyt

Cutubyadii ugu danbeeyey ee ciidamadii Maraykanka ee dalka Ciraaq joogey ayaa, saaka ka baxay dalka Ciraq oo u tallaabay xagga dalka Kuwait.

Waxaaa halkaas ku dhammaaday, joogitaankii ciidamada Maraykanka ee dalka Ciraq, mudo 9 Sanadood ah.

Waxaanay ciidamada Maraykanku ugu duuleen dalka Ciraq si ay u ridaan Saddam Husseen.

Baaburada Ciidamadu, waxaa ay yeerinayeen Hoonka, Askartuna, waxaa ay iska-dhunkanayeen, Gar-baha, markii ay Ciidamadu Saaka ka talaabeen Xuduuda.

Markii ay ugu badnaayeen, Ciidamadii Maraykanka ee joogey, dalka Ciraq waxaa ay tiradoodu ahaayd, 170-Kun, waxaa-nay dalka Ciraq ka samaysteen, 5-Boqol oo Saldhig.

Wariyeyaashu waxaa ay soo sheegeen in kasto, dadka reer Ciraq intooda badani ay ku farxsan yihiin bixitaanka Ciidamada Maraykanka, hadana, waxaa jira bay lee yihiin, dadka Warku, dad badan oo ka war-warsan, Amaanka iyo Xasiloonida xagga siyaasada ee dalka.

Saajin ka mid ah Ciidamada baxayey oo hadlay sida u dareenkiisu maanta yahay, mar hadii uu ka baxayo dalka Ciraq, ayaa waxa uu sheegay inuu qabo dareen isku jira, waa arrin wanaagsan in la ogaado in arrintaasi hadda ay dhammaatay. horumar badanna waan arkay, waxaan kala tagayaa Ciraaq xusuuso wanaagsan iyo kuwo xun labadaba.