Madaxweynihii hore Czech oo geeriyooday

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Vaclav Havel waxa uu ahaa Madaxweynihii Czech

Madaxweynihii hore ee dalka Czech,Vaclav Havel ayaa geeriyoodey, waxaa u ahaa 75 jir.

Havel waxaa uu soo Caan baxay, sanadihii 1970-naadkii markaas oo uu ahaa Riywaayad qore, Xukun-diid ahaa oo si xog leh uga horjeestey, dawaladii Shuuciga ahaayed ee ka talinjirtey dalkaii loo yiqiin Czecholavakia.

Waxaa uu berigaas madax ka noqday urur u doodayey ilaalinta xuquuda aadamaha oo uu u bixiyey 'charter 77'.

Waxaanu hogaaminayey, Ururkii loo bixiyey kacaankii midabkiisu buniga ahaa, ururkaas oo ridey, Xukunkii shuuciga ahaa ee ka talinayey, dalkii loo yiqiiney, Czechoslovakia 1989.

Havel waxaa mudadaas loo doortay Madaxweyne Jagadaas oo uu hayey mudo 13 Sanadood ah xilligaas oo u ka shaqeeyey, sidii u dalkiisu Xubin uga noqon lahaa, Midowga Europe.

Dalkii Cezcholavakia waxaa uu kala go-ay, sanadkii 1993kii Markaas oo havel noqday Madaxweynihii, Jamhuuriyadii Cezch-ga, xilkaasi oo uu ka degey sanadkii 2000 iyo 2003.