Qarax ka dhacay Dhadhaab

Dhadhaab oo dusha laga sawiray Lahaanshaha sawirka AFP

Sarkaal booliiska Kenya ka tirsan ay ku dhintay qarax ka dhacay xerada qaxootiga ee Dadhaab.

Dhadhaab waxaa ku jira ku dhowaad nus milyan qaxooti ah oo u badan Soomaali.

Kenya dhowr jeer ayaa lagu weeraray garnayl iyo bambaano tan iyo markii ciidankeedu ay galeen Soomaaliya bishii October, iyaga oo sheegay in ay la dagaallamayan al Shabaab.