Suuriya oo la heshiisay Carabta

Bannaanbax Suuriya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Bannaanbax Suuriya

Daqiiqadfo ka hor, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya, Walid al-Muallem, waxaa uu saxiixay heshiis Jaamacdda carabta u oggolaanaya in korjoogto u dirto dalkaas.

War telefishinka laga sii daayay, ayuu Wasiirku ku sheegay in heshiiska la saxiixay ka dib markii jaamacadda Carabtu ay oggolaatay in ay ka beddesho waxyaabo ay Dimishiq codsatay.

Hadda ka hor Jaamacadda Carabtu waxay gaartay in ay cunaqabateyn dhaqaale ku soo trogto Suuriya, ka dib markii Suuriya saxiixi weyday heshiiskan.

In ka badan shan kun oo ruux ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen rabshado socday sagaal bilood.