Sunnida Ciraaq oo cabsi muujiyay

Ra'iisal Wasaare xigeenka Ciraaq, Saleh Al Mutlaq ayaa BBC u sheegay in waddanku uu khatar ugu jiro in dagaal sokeeye uu dib uga soo cusboonaado.

Sabab waxaa khatartaas u ah, ayuu yiri, tallaabada uu qaatay Ra'iisal Wasaaraha Shiicada ah, Nouri al Maliki.

Mr. Mutlaq waxaa uu ku tilmaamay in isaga iyo siyaasiyiin kale oo Sunni ah ay cabsi ka qabaan in loola dhaqmo sida loola dhaqmay Madaxweyne ku xigeenka, Tareq al-Hashemi, oo la soo saaray amar lagu soo xirayo, iyada oo lagu eedeynayo in uu ku lug leeyahay falal argagixiso.

Shir saxaafadeed oo uu ku qabtay magaalada Irbil ee woqooyiga Ciraaq, Madaxweyne ku xigeenku wuxuu ku tilmaamay eedda ka dhanka ah, mid been abuur ah.

Af hayeen u hadlay Ra'iisal Wasaaruhuna wuxuu dhinacyada oo dhan ugu baaqay in la wada hadlo si loo xalliyo khilaafka.