Weerar lagu qaaday Hoosingow

Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya Lahaanshaha sawirka 1
Image caption Ciidamada Kenya ayaa galay Soomaaliya Octobar kadib markii dad ajnabi ah laga afduubay waddankeeda.

Wararka ka imaanaya koonfurta Soomaliya ayaa sheegaya in ugu yaraan 11 qof ay ku dhinteen duqeyn hawada ah oo ka dhacday tuuladda Hoosingow, oo ku dhow xadka kenya la wadaagto Soomaaliya. Tuuladan waxaa la sheegayaa in ay gacanta ugu jirto kooxda AlShabaab.

Kenya ayaa sheegtay inay laba weerar diyaarad qaaday iyadoo beegsanaysay saldhig milatari oo ay Al Shabaab ku leedahay meel u dhow xuduuda Kenya.

Weerarka koowaad wuxuu dhacay shalay 1200kii duhurnimo, kan labaadna wuxuu dhacay 1530kii galabnimo.

Kenya waxay sheegtay inay ku dileeen weerarka taliye sare oo ka tirsan Alshabaab, maamulaha tuulada ee Al Shabaab iyo toddobo iyo toban kale oo dagaalyahano ah.