Samafalayaal lagu dilay Matabaan

Lahaanshaha sawirka bbc
Image caption Saraakiisha ayaa eegayay xaaladda dadka barakacay ee ku sugan Matabaan

Saddex sarkaal oo u shaqeynayey hey'adaha samafalka ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa lagu dilay magaalada Matabaan.

Saraakiisha la dilay ayaa laba ka mid ah waxay ka tirsanaayeen xafiiska hey'adda WFP ee Qaramada Midoobay ee Gaalkacyo, midna NGO deegaanka ah.

Waxaa dilay nin dabley ah, lamana oga sababta uu u dilay shaqaalahan samafalka oo u tagay deegaankaasi inay la socdaan xaaladda dadka barakacy.

Ururka Ahlu Sunna wal jameeca oo gacanta ku haya magaalada Matabaan ayaa sheegay inay qabteen ninkii dilay saraakiishaasi uuna hadda xiran yahay.