4.5 mise Degaan?

Madaxda siyaasadda Soomaaliya ee ku shirsan magaalada Garowe, ayaa isku af gartay in baarlamaanka Soomaaliya gambarradiisa la dhimo.

Waxay goosteen in laga dhigo 225 gambar ama kursi.

Weriyaha BBC ee Garowe, Axmed Maxamed Cali, waxaa uu sheegay in la isku mari la'yahay sida lagu soo xulayo mudanayaasha baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in Madaxda Sare ee dowladda iyo Ahlu Sunna iyo maamulka Galmudug ay qabaan in lagu soo xulo nidaamka qabiilka ee loo yaqaan 4.5.

Hase yeeshee, dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxay mas'uuliyiinteedu qabaan, ayuu yiri, in lagu qeybsado nidaam ku salaysan degmooyinka dalka.