Shirka Garowe oo la soo afjaray

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Shirka magaalada Garowe

Shirkii magaalada Garoowe uga socday hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa la soo gabagabeeyay.

Xxafalad ballaaran oo ka dhacday xarunta jaamacadda PSU ee Garowe oo shirku ka socday afartii maalmood ee lasoo dhaafay, ayaa lagu sheegay in heshiis ay ka gaareen madaxda Soomaalida arrimihii ay isku hayeen ee ku saabsanaa qaabka loo soo xulayo xubnaha baarlamaanka.

Arrimaha shirka lagu heshiiyay ayaa waxa ka mid ahaa in la yareeyo tirada xubnaha baarlamaanka Soomaaliya oo laga dhigo 225, halka uu hadda yahay in ka badan 500.