Qaraxyo ka dhacay Nigeria

Isku dhacyadda dalka Nigeria Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Qasaaraha ka dhashay isku dhacyo ka dhacay Nigeria

Qaraxyo ayaa ka dhacay dalka Nigeria, qaraxyadaas oo lala beegsaday kaniisado lagu cibaadeysanayey iyadoo dalka Nigeria laga xusayo maalinta Krismaaska.

Qarax ka dhacay kaniisad ku dhow magaalada casimda ah ee Abuja ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 15 qof.

Qarax kale ayaa waxa uu ka dhcay magaalada Jos oo ku taala bartamaha dalka.

Nageria waxa maalmahan ka socday isku dhacyo u dhaxeeya koox Islamii ah oo la yiraahdo Boko Haram iyo ciidamada ammaanka.

Kaniisadaha dalka Nigeria ayaa waxa la geliyey heegan sare, iyadoo laga cabsi qabo in lagu bartilmaamaydsado weeraro inta lagu guda jiro xuska maalinta Krismaaska.