Sudan oo lagu dilay hoggaamiye fallaago

Militariga Sudan, waxaa uu sheegayaa in uu dilay hoggaamiyaha jabhadda ugu xoogga badan gobolka Darfur ee galbeedka Sudan.

Jabhadaas, waxaa la yiraahdo dhaqdhaqaaqa cadaalada iyo sinnaanta (Justice and Equality Movement, JEM).

Afhayeen u hadlay militariga, waxaa uu sheegay in Khaliil Ibraahim lagu dilay weerar aroornimadii Axadda ka dhacay degmo la yiraahdo Wad-Banada oo ka tirsan gobolka Kordofanta waqooyi.

Si madax banaan weli looma xaqiijin sheegashada militariga.

Ku tiirsanaantiisii Libya

Khaliil Ibraahim wuxuu ka soo laabtay dalka Libya, halkaas oo uu taageero ka heli jiray hoggaamiyihii hore ee dalka Libya Mucamar al-Gaddafi.

Waxaa uu heshiis xabad-joojin ah la saxiixday dowladda Sudan bishii Febraayo ee sannadkii hore, balse waa uu isaga baxay wadahadaladdii nabada.

Haddii la xaqiijiyo, dhimashada Khaliil Ibrahim, waxay dhabar-jab weyn ku noqoneysaa kooxdiisa JEM .

Jabhadda JEM

Mr Ibrahim ayaa aasaasay Jabhada, isagoo ka dhigay kooxda ugu awooda weyn, isla markaasna ugu hubka badan kooxaxaha ka dagaalamaya xukuumada Sudan.

Jabhadda JEM, waxay mas'uul ka ahayd weeraro indhaha-soo-jiitay, oo uu ka mid ahaa weerar ay caasimadda Sudan ee Khartoum ku qaaday 2008-dii, weerarkaas, oo ay ku dhinteen in ka bdan 220 qof.

Dagaalyahada JEM, ayaa isku dayey in ay xoog ku galaan caasimada oo ay la wareegaan madaxtooyadda.

Ciidamada dowladda ayaa dhulka dhigay, dibna u riixay kadib dagaalo xooggan oo dhexmaray.

Kadib markii uu dhacay Kolonel Gadafi, Khaliil Ibrahim waxaa uu u baxdsaday Sudan.

Inta uu joogay Libya, Gadafi ayaa waxa ku taageeri jiray hoy, dhaqaale iyo taageero Militari.