Kormeerayaal Jamacadda Carabta oo Suuriya gaaraya

aaska dadkii qaraxyadda Dimishiq ku dhintay Lahaanshaha sawirka AP
Image caption aaska dadkii qaraxyadda Dimishiq ku dhintay

Kooxdii ugu horaysay ee kormeerayaasha ururka Carabta ayaa la filayaa in ay maanta tagto dalka Syria si ay u bilaabaan howshooda kormeerka dadaalada lagu soo afjarayo rabshadaha.

Qaramada Midoobay ayaa rumaysan in ay ku dhinteen rabshadaha dalka Syria ilaa shan kun oo qof tan iyo bishii March.

Dhiig hor leh ayaa lagu soo waramayaa in uu daadanayo iyadoo kooxaha kacdoonka ay sheegayaan in ilaa labaatan qof la dilay shalay oo Axad ahayd.

Dadkaas inta badan waxa lagu dilay magaalada Bartamaha ku taala ee Homs.

Mucaaradka ayaa doonaya in kooxdan kormeerka ay booqoto magaalada Homs oo ay sheegayaan in ugu yaraan hal xaafad ay la waregeen oo ay go'doomiyeen afar kun oo ciidan .