Ganacsiga foolka maroodiga

Fool maroodi Lahaanshaha sawirka Other
Image caption Fool maroodi

Xiriirka hubinta ka ganacsiga duurjoogta, ayaa sheegay in uu kordhay ganacsiga sharci darrada ah ee foolka maroodiga.

Af hayeen ururka u hadlay, Tom Milliken, ayaa ku tilmaamay sannadkan 2011 ee sii dhammaanayaa in uu ahaa sannadkii ugu xumaa 23 sano ee la soo dhaafay, oo ah markii la billaabay in la diiwaan geliyo foolka maroodiga ee la qabtay sannadkii 1989.

Toddobaadkii hore waxaa la qabtay in ka badan 700 oo cad oo ah fool maroodi. Waxay ku jireen kontainer yaallay dekedda Mombasa ee dalka Kenya, waxaana la damacsanaa in loo dhoofiyo Asia.