Kim Jong-un oo noqday hoggaamiyaha Kuuriyada woqooyi

Wiilkii ugu yaraa Kim Jong-il, ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi. Waxaa looga dhawaaqay goob ay isugu soo bexeen dad aad u fara badan oo ku taal caasimadda Pyongyang.

Kim Jong-un, wuxuu horkacayay hawhii maamuuska geerida aabbihiis, oo ay maamuuseen saraakiil sare oo militeri ah iyo iyo hoghgaamiyayaal xisbiga.

Boqollaal kun oo ruux oo isugu jira ciidan iyo rayid oo isugu soo baxay fagaaraha magaalada ugu weyn isla markaana madaxa hoos u raaricinaya ayaa hortooda laga akhriyay erayo sagootis iyo ammaan ah oo hoggaamiyihii dhintay ku saabsan.

Kim Jong-un, waxaa lagu dhawaaqay in uu yahay hoggaamiyaha sare ee Qaranka, ciidanka iyo xisbiga shaqaalaha ee talada haya.

Waxaa lagu tilmaamay in uu leeyahay falsafaddii iyo dabeecadihii aabbihiis.