Korjoogtada oo ku baahday Syria

Korjoogtada Jaamacadda Carabta, ayaa billaabaya in ay ka hawlgalaan saddex magaalo oo hor leh oo ka tirsan Syria.

Waxay ku jiraan maalintii saddexaad ee ay u kuur galayaan in ciidammada dowladdu ay u hoggaansameen qorshe nabadeed oo ay soo bandhigtay Jaamacadda carabtu.

Saddexda magaalo ee la tegayo waxaa ka mid ah, Deraa, oo ah halkii ay bishii March ka billowdeen bannaabaxayda ka dhanka ah Madaxweyna Bashar al Asad.

Labada kale waa Idlib oo ku dhow soohdinta Turkiga iyo Hama.

Korjoogtadu waxaylabadii maalmood ee na dhaafay ay ku mashquulsanaayeen

magaalada Homs, halkaas oo dad mucaarad dowladda ku ahi ay ku eedeeyeen korjoogtadu in ay sidii la doonay ugu kululeyn uguna af adkeyn dowladda. Hase yeeshee Mareykanka iyo Ruushka waxay labaduba ku baaqeen in loo daayo korjoogtadu in ay hawshooda qabsadaan.