Boko Haram oo laga tashaday

Madaxweynaha Chad, Idris Deby, ayaa hadda soo geba gebeeyay booqasho uu ku tegey dalka ay jaarka yihiin ee Cameroon. Warar ayaa sheegay in ajendaha ugu muhiimsan ee laga wada hadlay uu ahaa Boko Haram. Wargeysyada Cameron, waxay muujinayaan sababta taa keentay.

Xubno ka tirsan Boko Haram ayaa adeegsaday dugsiyada Quraanka ee Cameroon si ay farriintooda u risaaladooda u faafiyaan.

Bishan horranteedii, Madaxweynaha Chad wuxuu booqday dal kale oo ay isagana deris yihiin. Waa Nigeria. Weriyayaasha wuxuu u sheegay in ay ka wadahadleen Boko Haram.

Madaxweynaha Chad wuxuu doonayaa in Nigeria, Niger, Cameron iyo Chad ay iska kaashadaan waxa laga yeelayo Boko Haram.

Booliiska Nigeria wuxuu qabtay hub magaalada Woqooyi Bari Nigeria ee Damaturu yaallay. Waxaa lagu tuhunsan yahay in Boko Haram ay leedahay. Dadka ay qabteen waxaa ka mid ah nin qirtay in uu si sharci darra ah hub u keeni jiray Nigeria. Hubka wuxuu ka keeni jiray Cameroon.

Arrimahaas oo kale ayaa wel wel ku abuuray dalalka Nigeria la deriska ah. Taas ayaan sal u ah in la isku dayo in nabadda gobolka wax laga qabto.