MSF oo laga dilay 2

MSF Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption MSF

Laba ka tirsan shaqaalaha samafalka ayaa lagu dilay Muqdisho.

Xafiiska MSF ayaa waxaa weeraray nin la tuhunsan yahay in uu ka tirsan yahay shaqaalaha Soomaalida ee isla hey'adda.

Labada ruux ee la dilay midkood waxaa la sheegay in uu yahay dhakhtar.

Meydka labada nin ee la dilay ayaa maanta laga qaaday Muqdisho.

Ninkii weerarka qaaday ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay.

Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa toddobaadkii hore lagu dilay saddex shaqaalaha samafalka ah oo Soomaali ah.

MSF waxay ka mid tahay hey'adaha tirsada yar ee dalka Soomaaliya hawlsamafal ka wada gaar ahaan xagga caafimaadka.