Xawaaladaha USA oo shaqada joojiyay

Doollar Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Doollar

Xawaaladaha Soomaalida ee ka shaqeeya dalka Mareykanka ayaa maanta dhammaantood joojiyay adeegga xawaaladaha.

Arrintaasi waxay ka dambeysay ka dib markii baananka Mareykanku ay diideen in ay lacagta xawilaan.

Baananku waxay ka baqayaan in xad gudub qaanuunka maaliyadda Mareykanka.

Lacaga la isdaba mariyo ama loo diro hey'ado ama xataa shakhsiyaad ku lug leh arga-gixisnimo ayaa waxay yihiin mamnuuc.

Sidaa darteed sharikadaha xawaaladuhu wey joojiyeen hawsha sida uu BBC u sheegay Xasan Warsame oo la taliye u ah urur ay sameysteen Xawaaladuhu.

Dad ku sugan Soomaaliya iyo guud ahaanba Geeska Afrika, ayaa ehelkooda iyo saaxiibbadooda ka shaqeysta Mareykanku waxay lacagta u soo mariyaan sharikadaha Xawaaladaha.

Haddii ay habkii awal lagu shaqeyn jiray uu istaago, ma cadda in hannaan