2 lagu xukumay in ay dileen wiil madow

Wiilka la dilay hooyadiis iyo walaalkiis Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Wiilka la dilay hooyadiis iyo walaalkiis oo hortaagan MAxkamadda

Maxkamad ku taal London ayaa laba nin ku xukuntay in ay dileen wiil dhowr iyo toban jir ah oo madow ah, muddo hadda laga joogo ku dhowaad 20 sano.

Dacwaddan ayaa waxay noqotay mid aad muhiim u ah xiriirka bulshooyinka kala midabka ah ee dalkan Britain.

Nimanka la xukumay, David Morris iyo Gary Dobson, waxaa la sheegay in ay yihiin gacan ku dhiiglayaal.

Stepeh Lawrence oo ahaa wiil madow waxaa sannadkii 1993 dilay dhallinyaro caddaan ah waxaana lagu dilay weerar cunsuri ah.

Marka la weeraray Stephen wuxuuu sugayay bas.

Booliiska London markii hore wuu ku fashilay in uu qabto dadkii dilka geystay.

Sannadkii 1999 ayaa baaritaan rasmi ah oo arrinta lagu sameeyay, waxaa booliiska London lagu eedeeyay in uu yahay hey'ad ay cunsurinnimo ku jirto.

Kiiskani wuxuu kale oo xiisa u sii yeelay sida horumarka Saynisku u fududeeyay in la baaro oo lagu helo labadan nin dilka ay gyetseen 1993.