Qarax iyo toogasho ka dhacday Garissa

Dhaawaca qarax horay uga dhacay Garissa Lahaanshaha sawirka INTERNET
Image caption Dhaawaca qarax horay uga dhacay Garissa

Shan qof ayaa ku dhintay, labaatan kalana waa ay ku dhaawacmeen Qarax iyo toogasho xalay ka dhacday maaalada Garissa ee gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

Qaraxa oo ka dhacay goob lagu caweynayey looguna dabaal-degayey sannadka cusub ayaa waxa ku dhawaacmay dad gaaraya 20 qof.

Halka toogasho ay gaysteen dad looga shakinayo in ay yihiin dableydii ka dambeysay qaraxa ay ku dhinteen shan qof.

Weriyaha BBC-da Bashkas Jugsoodhacay oo joogo magaalada Garissa ayaa sheegaya in dad looga shakiyey in ay yihiin dableyddii qarax geysatay ay ku baxsadeen baabuuro..

Ilaa iyo imika maamulka arrintaan kama hadlin. Horay ayaa waxay qaraxyo uga dhaceen magaalada Garissa iyo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.