BBC ku dhegeyso FM hor leh oo Muqdisho

Dhegeystayaasha BBC ee Muqdisho waxaan ugu bishaareyneynaa in ay BBC ka dhegeysan karaan mowjadda FM ee 90.0 Khz.

Mowjaddaas waxaa ka baxeysaa BBC maalin kasta 24 saacadood.

Waxaad ka dhegeysan kartaa dhammaanba afarta idaacadood ee Soomaaliga, iyo saacado Carabi iyo Ingiriis ah.

Hawada waxay ka maqnayd tan iyo sannadkii 2010.

Waa mowjadda saddexaad ee Muqdisho ee BBC Laanta Soomaaliga looga dhegeysan karo FM.

Labada mowjadood ee kale waa Idaacadaha Shabeelle iyo Star.