Buur Madow oo lagu xiray UAE

Sida ay sheegtay Amnesty International, Boqor Buur Madow oo ah muwaadin Soomaali ah ayaa lagu xiray dalka Isutagga Imaaraadka Carabta bartamihii bishii November, welina lagama warhayo meesha uu ku sugan yahay.

Boqor Buur Madow oo ka mid ah hoggaamiyayaasha dhaqanka ee Somaliland wuxuu hadda ka hor ka qeyb qaatay waan waan la dhex dhigay dhinacyo ay colaadi ka dhexeysay.

Waxaa xiray niman la rumeysan yahay in ay yihiin ciidanka sirdoonka ee Imaaraadka Carabta.

Lama sheegin sababta loo haysto, ilaa iyo haddana qareen looma oggolaan sida ay Amnesty sheegtay.