Jonglei waa goob masiibo

Jonglei
Image caption Jonglei

Sudan Koofureed ayaa ku dhawaaqday in gobolka Jonglei oo dagaal qabiili ah oo ka dhacay ay ku dhinteen 150 qof in ay tahay goob masiibo.

Waddanku waxaa kale oo uu codsaday in ururrada caalamiga ah ee gargaarku ay kaalmo u gurmadaan tobannaan kun oo ruux oo dagaalka ka qaxay.

Shalay ayay Qaramada Midoobay ka digtay in dadka barakacay ay aad ugu baahan yihiin deg deg ah loogu gargaaro.

Lix kun oo nin oo hubeysan oo ka tirsan qabiilka Luo Nuer ayaa cagta mariyay magaalada Pibor, halkaas oo ay degganaayeen qabiilka ay colka yihiin ee Murle, oo ay ku eedeynayeen in ay lo' ka dheceen.

Nimankii soo duulay hadda waxay ku noqdeen degaankooda.