Madobe Nunow oo Guddoomiye loo doortay

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa khilaafkiisii aad uga sii daray ka dib markii maanta xubno baarlamaanka ka tirsani ay Guddoomiye u doorteen Madobe Nunow.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Muqdisho

Waxaana goobta ka dhacay in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka loo gacan qaaday oo qaarkood lagu dakhray goobta.

Doorashadani waxay daba joogtaa markii xubno baarlamaanka ka tirsani ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisii ayagoo maqan.

Intaa ka dibna Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay in xil ka qaadistaasi ay ahayd mid aan sharciga waafaqsaneyn.

Laakiin xubnaha baarlamaanku hawshoodii ayay iska sii wateen waxayna maanta doorteen guddoomiye kale.

Madoobe Nunow, oo inyar ka dib markii la doortay la hadlay BBC ayaa u sheegay in uu ku dadaali doono in uu xalliyo khilaafka, wuxuuse sheegay in ay tahay khasab in loo hoggaansanaado baarlamaanka.

Xubnahan oo lagu eedeynayo in ay ka soo horjeedaan heshiiskii garowe, waxay ku tilmaameen in ay tahay in heshiiskaas la soo hordhigo baaralamaanka.