Faafaxdhuun oo la isku haysto

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dagaalyahanada Shabaab

Waxaa soo baxay warar is-khilaafsan oo ku saabsan cidda gacanta ku haysa magaalada Faa-faxdhuun oo ku dhow Magaalada Bardheere ee gobolka Gedo.

Ciidanka dalka Kenya ayaa sheegaya in ay magaalada kala wareegeen xarakada shabaab.

Afhayeenka ciidanka Kenya Gaashaanle Emannuel Chirchir ayaa warkaas BBC-da u sheegay, halka dhinaca kale afhayeen u hadlay Xarakada shabaab oo la yiraahdo sheekh Abdulcasiis Abu Muscab uu beeneeyey in magaalada laga qabsaday..

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya cidda gacanta ku haysa magaalada.

Ciidanka Kenya ayaa tan iyo bishii Octobar howlgallo ka waday koonfurta Soomaliya, halkaas oo ay sheegeyaan in ay kula dagaalamayaan xarakada shabaab.