Britian oo ka digeysa ammaanka Kenya

Image caption Astaanta Xafiiska Arrimaha dibedda Britian

Xafiiska arrimaha dibedda ee Britian ayaa digniin ku siinaya dadka British-ka ah ee booqanaya Kenya inay jirto khatar weerarro argagixiso.

Xafiiska arrimaha dibedda waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in argagaxisadu ay ku jiraan qeybihii ugu danbeeyay ee weerarada ay qorsheynayaan, isla markaana ay dadka booqanaya ay ka fogaadaan hey'adaha Kenya iyo meelaha ay dadka ajnabiga ah isugu yimaadaan, sida hotelada, goobaha laga dukaameysto iyo xeebaha lagu raaxeeysto.

Ilaa hal miyan oo dalxiisayaal ah ayaa booqday Kenya sanadkii hore, taasi oo boqolkiiba toban ka badan sanadkii ka sii horreeyay.

Kooxda Islaamiga ee al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa qaaday weerarro dhawr ah oo ay ku bartilmaameedsadeen Kenya, waxaana jiray afduubyo dad dalxiisayaal ah oo laga afduubay xeebaha Kenya.