Kenya oo guul ka sheegatay al-Shabab

Ciidamada Kenya Lahaanshaha sawirka internet
Image caption Ciidamada Kenya

Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay in kooxda Islaamiga ah ee dalka Soomaaliya, al-Shabab ay burburayso maadaama ciidamada Kenya weerarka ay ku hayaan kooxda ee gudaha Soomaaliya si xoog leh loo dardargaliyay.

Afhayeenka ciidamada Colonel Cyrus Oguna ayaa u sheegay weriyayaal ku sugan magaalada Nairobi in kala qaybsanaanta hogaanka al-Shabaab macnaheedu yahay dhamaadka kooxda in uusan meel fog jirin.

Wuxuu sheegay weerar cirka ah oo maalintii Jimcaha lagu qaaday in ay diyaaradaha Kenya ay ku dileen ugu yaraan lixdan dagaalyahaniinta al-Shabaab ah isla markaana ilaa labaatan ka tirsan maleeshiyada ay ka soo goosteen labadii todobaad ee la soo dhaafay.

Hase yeeshee, weriyaha BBC ee bariga Africa ayaa sheegay in ay aad u adag tahay in wararkaas la cadeeyo.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ka guulaysan doonto ciidamada Kenya.