Shaqo joojin ka jirta Nigeriya

Shidaalka Nigeriya Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Nigeria ayaa ah wadanka ugu wayn Afrika ee soo saara shidaalka

Shaqo joojin guud ayaa ka jirta dalka Nigeriya kadib markii ay dowladda joojisay lacagtii ay ku kabi jirtay shidaalka, taasoo keentay inuu laba laabmo sicirkii shidaalka.

Gaadiidka dadweynaha ayaa wada istaagay, bangiyada, iskuuulada iyo xafiisyada dowladana waa xiran yihiin ka dib markii shaqaalihii dowlada iyo kuwii shirkadaha gaarka loo leeyahay ay wada joojiyeen shaqada.

Badanaa dadka reer Nigeriya ayaa u arka in lacagta lagu kabo shidaalka ay tahay faaiidada kaliya ee ay ku haystaan shidaalka uu soo saaro waddanka.

laakiin dowladda ayaa ku doodaysa in lacagta lagu kabo shidaalka loo baahan yahay in saboolnimada lagula dagaalamo.

Shir deg deg ah ee uu baarlamaanka Nigeriya yeeshay shalay wuxuu ugu baaqay Dowladda inay dib uga fiirsadaan go'aankeeda.