Assad: Syria imtixaan ayaa la geliyay

Madaxweyne Assad Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Madaxweyne Assad

Madaxweynaha Syria, Bashar al Assad, ayaa jeedinaya khudbad uusan aalaaba jeedin, iyada oo ay sii socdaan bannaanbaxyada rabshadaha wata.

Rabshadahaasi waxay socdaan ayada oo ay dalka joogto korjoogto ka socota jaamacadda carabtu.

Khudbaddan oo Madaxweynuhu ka jeedinayo Jaamacadda Dimishiq, telefishianka dalka oo dhan laga daawado ayaa toos looga sii deynayaa.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dalal gobolka ah iyo qaar caalamka kale ahiba ay isku dayeen in ay khalkhaliy geliyaan Syria laakiin ay ku guuleysan waaen.

Wuxuu yiri khiyaamada shisheeyuhu waa mid cid kasta u muuqata.

Wuxuu ku tilmaamay wixii Syria ka dhacay tobankii bilood ee na dhaaftay ay ahaayeen kuwo laga xumaado oo imtixaan ku ahaa Syria.