Saynisyahan reer Iraan oo la dilay

Qaraxa Iraan
Image caption Iraan waxaa lagu dilau sayansyahan

Dalka Iraan waxaa lagu dilay sayansyahan ka shaqeyn jiray waaxda nukiliyarka ee dalkaasi. Ninkani ayaa la dilay kadib markii lala beegsaday bambaano caasimadda dalkaasi ee Tehraan.

Wakaaladda wararka ee Iran aya sheegtay in qof bayskiil wattay uu waxyaabaha qarxa saaray gaariga ninkaasi, waxaa magaca ninkaasi lagu sheegay Mustafa Axmadi Roshan, oo ka shaqeyn jiray xarunnta kobcinta tayyada nuclearka ee Natanz.

Waa weerarkii afaraad ee lagu dilo qof Sayansyahan ah labadii sano ee lasoo dhaafay. Laba weerar oo hore waxaa sidoo kale gaystay qof bayskill wattay oona adeegsanaayay bomb.

Weriyayaasha iyo dad marti ku ahaa telefishionka dalkaasi ee Press TV ayaa ninkaasi la dilay ku tilmaamay in uu ahaa professor wax ka dhigo jaamacadda.