Video ay Booko Xaraam soo saartay

Dagaalka diimeed ee Nigeria Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Ururka Booko Xaraam oo video soo saaray

Kooxda Islaamiga ee ka howlgasha Woqooyiga Nigeria ee Booko Xaraam ayaa soo saartay Video, ay ku difaacaysa weerrarada loo geystay dadka haysta diinta Kristaanka.

Abubakar Seku, oo weriyayaasha ay sheegayaan in uu yahay hogaamiyaha ururkaasi, ayaa sheegay in weerarakani uu jawaab u yahay dilka Muslimiinta loo geysanaayo.

Ninkani oo hadalka u jeedinayay Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan iyo madaxa Ururka Kristaanka, ayaa waxaa uu sheegay in kooxdiisa aysan ka cabsanayn ciidanka nabad sugidda ee Nigeria.

Booko Xaraam ayaa waxaa horey u geysatay weeraro isbada joog ah, oo uu ku jiro mid lala beegsaday kaniisad ku taalla dibadda Magaala madaxda dalkaasi ee Abuja, maalintii ay dadka Kristaanka u dabbal degayeen ciida masiixiga.

Rag hubaysa ayaa goor sii horeysay dilay sideed qof, dilkaasi waxaa uu ka dambeeyay is rasaaseyn ka dhacday woqooyiga dalkaasi. Tani ayaa daba joogta qaraxyo is daba joog ah oo ay geysanayeen dagalyahanka Islaamiga ee Boko Xaraam. Magaalada Benin ee ku taala koonfurta Nigeria, oo ay ku badanyihiin dadka haysta diinta Masiixiga ah ayaa lagu lagu dilay shan qof , kadib markii dab la qabadsiiyay goob masaajid ah iyo madaraso.

Xiisadda laxiriirta arrimaha diinta ayaa ka kacsan dalka Nigeria, iyadoo oo uu socdo shaqo joojin la xiriirta sicirka shidaalka oo sare u kacay. Dr Ejike Orji, waxaa uu ka shaqeeyaa cisbitaal si gaar ah loo leeyahay oo la yirahdo Excel Medical centre, waxaa uu sheegay in sicirka shidaalka oo sare u kacay awgeed ay ku adkaatay shaqadii cisbitaalka.