Human Rights Watch oo eedeysay Kenya

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidamaka Kenya waxa ay Soomaaliya galeen bishii Oktoober

Hey'adda xuquuqda aaadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidamada Kenya ee ammaanka ay ku xadgudbaan dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed ee jooga gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Hey'adda ayaa sheegtay in xadgudubyada ay ku jiraan kufsi, garaacis, bililiqo iyo xarig aan la kala soocin.

Maalintii Arbacada ayaa mid ka mid ah baarayaasheeda waxa uu arkay ciidanka Kenya oo ku garaacaya meel banaan ah dad deggan magaalada Gaarisa, ee xarunta gobolkaasi.

Dadka dhibaatada loo geystay ayaa sheegay in lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxda islaamiga ah ee al-Shabaab.

Ciidamada Kenya ayaa galay Soomaaliya bishii Oktoobar iyaga oo la dagaallamaya al-Shabaab.