Shaqadii xawilaada oo dib u bilaabanaysa

Doolarka Maraykanka Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xawilaadaha Soomaalida ee Maraykanka oo dib shaqadooda u bilaabayo

Xawilaadaha somaaliyeed ee gobolka Minnisota ayaa shaqadoodii dib u bilaabanaaya, kadib markii ay xirnaayeen ilaa 30 kii bishii la soo dhaafay.

Xawaaladaha Maraykanka ah ayaa shaqada joojiyay ka dib markii ay bangiyada ku yaala Gobolka Minnesota ay diideen in ay akoontiyo ku yeeshan Xawilaaduhu, iyaga oo ka cabsi qaba sharciyada lagula dagaalamayo argagixisada ee dawlada maraykanka dajisay

Bashiir Faaraxa Siyaad oo ka tirsan gudiga Xawilaadaha ee Minnesota ayaa sheegay in howshani ay suuragal noqotay ka dib markii uu dadaalo sameeyay gudigooda