22 weriye oo lagu xiray Somaliland

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Shalay waxaa dowladda Somaliland ay xirtay Horn Cable TV

Wararka naga soo gaadhay Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada boliiska Somaliland maanta xidheen in ka badan labaatan suxufi oo ka hawl gala warbaahinta madaxa banaan ee somaliland ee wargeysyada iyo telifishanada.

Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA xasan Maxamed yuusuf ayaa goor dhoweyd BBC u sheegay in suxufiyiintaasi cabasho ay kaga cabanaya xukkamaada oo xidhay xalay Horn Cable TV ay la hortageen xarunta Madaxtooyada.

Wuxuu sheegay in boliisku garaaceen wiilasha iyo hablaha suxufiyiinta ah kadibna xidheen 22 suxufi.

Taliyaha Guud ee boliiska Somaliland General Maxamed Saqadhi Dubbad ayaa BBC u sheegay in suxufiintu dhigeen mudaaharaad uu ku tilmaamay sharci darro aanay fasax u haysan.