Taleex oo looga dhawaaqay Khaatumo

Taleex Lahaanshaha sawirka Taleex
Image caption Taleex

Taleex ayaa looga dhawaaqay maamul goboleed loo bixiyay Khaatumo.

Maamul goboleedkan ayaa waxaa ku dhawaaqay shir beeleed ay isugu yimaadeen dhowr boqol oo ergay oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ka yimid.

Maamulku wuxuu yeelan doonaa Golaha Duqeyda, Golaha Wakiillada iyo Wasiirro ay Madax u yihiin saddex Madaxweyne oo ku wada jira Golaha Madaxtooyada.

Saddexda Madaxweyne midba mar ayuu xilka heynayaa oo waa meerto.

Khaatumo xaggey ka talin

Lahaanshaha sawirka Other
Image caption Galaydh ayaa ka mid ah dadka shirka ka qeyb gelaya.

Waxaa loogu tala galay in uu ka taliyo gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo intooda badan ay hadda gacanta ku hayso Jamhuriyadda iskeed isu taagtay ee Somaliland.

Waxaa kale oo degaannaadaas sheegata dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Labada maamul midkoodna raalli kama aha shirka Taleex go'aankaas uu gaaray.

Somaliland waxay ku tilmaantay in uu yahay shir ay dad dibadda ka yimid horboodayaan, ka dibna ay dibadda ku laaban doonaan.

Dadka ay Somaliland ka yara didsan tahay ee shirka ka qeyb gelaya waxaa ka mid ahaan kara, Cali Khaliif Galaydh, oo hore Ra'iisal Wasaare uga ahaan jiray Soomaaliya.

Wuxuu dhex fadhiyaa shirka isaga oo shaarka jeebkiisa ay ugu dhegsan tahay calamaadda shirka oo calanka Soomaaliyana ka mid yahay.

Somaliland waxay u aragtaa in shirkana wiiqi karo isku daygeeda ah in loo aqoonsado dal iskiis u madax bannaan oo aan ka tirsanaeyn Soomaaliya.