weriyayaal xabsiga laga sii daayay

Hargeysa waxaa xabsiga laga sii daayay in ka badan 20 weriye oo shalay la xiray.

Weriyayaasha waxaa lagala haray, Axmed Cabdiraxmaan Xersi Heello, oo Tifatire ka ah wargeyska Sahan, kana tirsan Telefishinka Horn Cable.

Weriyayaashu shalay ayay sameeyeen dibadbax cabasho ah, ka dib markii la joojiyay hawlaha Horn Cable.

Dowladduna xabsiga ayay u taxaabtay weriyayaasha iyada oo sheegeysa in aan dibad baxaas wax sharci aanay u haysan weriyayaashu.

Maxamuud Cabdi Xuuto oo ka tirsan weriyayaasha la soo daayay, ayaa sheegay in guud ahaan booliisku si wanaagsan ula dhaqmay marka laga reebo dadkii soo booqday oo qaarkood loo diiday in ay arkaan.