Qodistii shidaalka Soomaaliya oo bilaabatay

Shidaalka laga qodayo Dooxada Dharoor ayaa bilaabmay Lahaanshaha sawirka othar
Image caption Labadii ceel ee shidaalka laga qodayo dooxada Dharoor ayaa qaadan doona saddex bilood.

Shirkada Horn Petrolium ayaa ka bilawday inay ka baarto shidaal Somaaliya markii ugu horaysay mudo labaatan sano.

Shirkadda Horn Petrolium ayaa labadii ceel ee ugu horeeyay ka qodaysa dooxada Dharoor ee Puntland.

Sadex bilood ayay qaadan doontaa qodista ceelasha, markaas ka dib ayaa la ogaan doonaa shidaalka ku jira inta uu le'eg yahay.

Baarista Shidaalka Soomaaliya ayaa la joojiyay labaatan sanno ka hor ka dib markii ay dhacday dowladii dhexe ee Siyaad Barre.

Waxaa lagu qiyaasayaa in Soomaaliya ay ku jirto shidaal la 'eg midka ay soo saarto Yemen.