MSF oo joojisay hawlo caafimaad

Hey'adda dhakhaatiirta aan soohdinta lahayn, MSF, ayaa sheegtay in ay joojineyso hawshii ay ka wadday laba xarumood oo kuwa caafimaadka ah oo ku yaal Muqdisho.

Arrintani waxay ka dambeysay markii la dilay laba ka mid ah shaqaalihii hey'adda bishii hore.

Mid wuxuu ahaa maamule u dhashay dalka Belgium kan kalena dhakhtar ayuu ahaa u dhashay Indonesia.

Madaxa MSF, Christopher Stokes, waxaa uu ku tilmaamay in ay tahay wax adag in la joojiyo hawl caafimaad oo ka socotay goob ay dhakhaatiirtu dad naftood ku badbaadiyeen, laakiin dilka ayaa ka dhigay wax aan macquul ahayn in laga sii shaqeeyo goobtii xaafaddii uu dilku ka dhacay.