AMISOM oo qabatay goobo hor leh

AMISOM Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption AMISOM

AMISOM ayaa weerartay goobo ay Shabaab haysatay oo ka tirsan duleedka woqooyi ee Muqdisho.

AMISOm oo adeegsaneysay taangiyo, waxaa wehliyay ciidanka dowladda.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in dagaalka maanta ay ku dhinteen in ka badan 10 ka mid ah dhinacyada uu dagaalku u dhaxeeyay.

Coll. Paddy Ankunda uu BBC u sheegay in ay dagaalka maanta ku qabsadeen fariisimo ay Alshabab kaga soo duuli jireen sida deegaanada u dhow Qabuuraha Barakaat iyo dhismaha Jaamacadda Muqdisho.

Alshabab waa qiratay in degaan laga qabsaday, waxayse ku hanjabeen in ay dib u soo weerari doonaan.

Al Shabaab waxaa kale oo ay sheegatay in ay dishay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Soomaalida.

Dadka u dhaw xaafadaha dagaalka ayaa sheegay in ay maqlayeen madaafiic culus gaar ahaan goobaha lagu dagaalmaayay.

Wariyaha BBC ee magaalada Muqdisho Maxamed |Maxamuud Dhoore ayaa waxa uu sheegay in dagaalka maanta uu ahaa kii ugu cuslaa ee dhexmara dhimacayada Muqdisho ku dagaalama tan iyo bishii Agoosto markaas oo Xarakada Alshabab ay sheegtay in ay ka baxday inta badan degmooyinka caasiamdda.