Shabaab oo Dayniile lagu weeraray

Taangi AMISOM
Image caption Taangi AMISOM oo Muqdisho jooga

Ciidanka Soomaaliya oo kaashanaya ciidanka AMISOM, ayaa weerar militeri ku qaaday ciidanka al Shabaab.

Boqollaal askari oo wata Taankiyo ayaa saaka hiirta waaberi lagu weeraray xarumo ay al shabaab ku lahaayeen magaalada duleedkeeda.

Alshabaab waxay qiratay in dhul laga qabsaday, laakiin waxay ku hanjabtay in ay dib u soio weerari doonto.

Weriyaha BBC ee Bariga Afrika ayaa ku tilmaamay in weerarku u muuqdo in uu damacsan yahay in magaalada looga sifeeyo al Shabaab, laakiin maaddaama ay al Shabaab weerarro is qarxin ah sameyneyso, way adkaaneysaa in magaalada la wada nabadeeyo.