ICC oo go'aan ka gaareysa Kenya

Lix Kenyan ah ayaa mar dhow kala ogaan doona in lagu maxkamadeyn doono Hague iyo in kale.

Waa dacwad la xiriirta qalalaasihii rabshadaha watay ee ka dhashay doorashadii 2007, kuwaas oo ay kun ruux ku dhinteen.

Garsoorayaasha Maxkamadda Calamiga ah ee dembiyada ayaa ku dhawaaqi doona ka dib markii ay dowladda Kenya ku fashilantay in ay iyadu dacwadda qaaddo.

Ilaa 1992 markii Kenya lagu soo rogay doorashada axsaabta badan.waxaaa ka dhacayay rabshado qowmiyado isku laayaan, laakiin rabshadihii doorashadii 2007 waxay ahaayeen kuwo aad u baaxad weyn.

Ugu yaraan kun iyo laba boqol oo ruux ayaa ku dhintay rabshadahaas,.

Doorashadu si caadi ah ayay ud hacday, laakiin markii codadka la tirinayay ayaa xibiga mucaaradka ah, ODM oo uu hoggaaminayay Raila Odinga uu noqday kan hoggaaminaya tirada codadka, wuxuuna u muuqday in uu guuleysanayo.

Laakiin saacadihii ugu dambeeyay ayaa halkii milyan ee cod ee ay horreeyeen laga tallaabsaday,, halkaas oo uu ku guuleystay xisbiga Madaxweyne Kibaki.

Rabshado ayaa markaa bbillowday, gaar ahaan ay taageerayaasha mucaaradku gobolka Rift Valley ay ku weerareen dadka qowmiyadda Kikuyu, kuwaas oo loo arkayay in ay Madaxweynaha u codeeyeen.

Taa ayay taageerayaasha xisbiga talada hayaa uga jawaabeen in ay weeraraan Kalenjin, Luo iyo weliba qaar kale.

Markii dagaalku ka sii daray, dadku waxay billaabeen in ay u qaxaan gobollada ay qowmiyaddoodu ku badan tahay.

Kumanyaal ayaa bara kacay.

Kiiska maanta la qaadayaana waxaa uu ku saabsan yahay siyaasiyiinta lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen kicinta dadka.