Wada hadal lala galayo Taalibaan

Image caption Xubin ka tirsan madaxda Taliban

BBC waxaa ay war ku heshay in dawladda Afghanistan ay ku tala jirto in niman ka tirsan Ururka Taliban ay kula shirto, dalka Sacuudi Carabiya, dhawrka toddobaad ee soo socda.

Wada hadaladaas oo ah kuwii ugu horreeyey oo labada dhinac ku dhex-mara, dalka Sucuudiga, waxaa ay noqon-doonaan kuwo qiimo weyn leh marka loo eego, dadaalka loogu jiro in Xal Wwada-hadalo ku salaysan loo helo colaadda Afghanistan.

Horay waxaa diiradda loo saaray dadaal ay Maraykanku dhiirinayeen oo ku saabsana in uu Ururka Taleeban uu Xafiis ka furto, dalka Qadar si halkaas wada-hadalo loola yeesho Talabaan, hase ahaate wali ma kala cadda in halkaas, waa dalka Qadar inay wada-hadalo ka dheceen.

Madaxweynaha dalka Afghanistan, Hamid Karazai, waxaa uu horay u sheegay in wada-hadala nabada ay Afghanistan hoggaamiso, hase ahaate, Taaleban, waxaa ay ku Gacan-sayreen waxa ay ku tilmaameen, 'dawaladda Hamid Karzai' mid aan Sharci-ku dhisnayn.