Shabaab oo mamnuucday ICRC

ICRC Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption ICRC

Al Shabab ayaa sheegtay in ay ka mamnuucday Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ICRC, in ay ka shaqeyso dhulka Shabaab maamusho.

War ay soo saartay al Shabab, waxay ku eedeysay ICRC in ay ku ballanfurtay kalsoonida shacabku siiyay, ka dib markii ay si isdaba joog ah u qeybsiay raashin dhacay.

Al Shabab waxay ku tilmaantay in raashinka ku jira bakhaarrada ICRC boqolkiiba 70 uu yahay raashin aan in la cuno ku wanaagsaneyn.

Waxaa kale oo warku ku eedeeyay ICRC in ay si gardarro ah ugu eedeysay al Shabab in ay hey'adda ka hor istaagtay in ay raashin qeybiso.

ICRC waxay magaalada Geneva ka sheegtay in wax war ah aysan ka hayn manuucidda.

ICRC waxay ka mid tahay hey'adaha yar ee caalamiga ah ee ka hawlgala gobollada ay Shabaab gacanta ku hayso.