Ethiopian u tallaabay Luuq

Ciidan Ethiopian ah Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidan Ethiopian ah

Ciidammo Ethiopian ah oo wata madaafiic culus iyo dabbaabado ayaa u tallaabay Soomaaliya oo fariisin ka sameystay magaalada Luuq.

Shalay ayay ka soo tallaabeen Dolow. Waxayna hadda ku sugan yihiin meel aan ka fogeyn Luuq.

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo gobolka Gedo ku sugan ayaa BBC u sheegay in ciidammadani ay ku wajahan yihiin Bay iyo Bakool oo ay ka taliso al Shabaab.

Al Shabaab iyaduna waxay sheegtay in ay ka warqabto duullaanka iyo dhaqdhaqaaqa ciidanka Ethiopia.

Waxay ku hanjabtay in ay jebin doonto.

Maalmahan waxaa Soomaaliya ka socda guluf colaadeed oo ka dhan ah xarakada al Shabaab.

Ciidammada Ethiopia iyo Kenya ayaa ka soo weeraray laba jiho oo kala duwan.

Dhinaca Muqdisho iyadana AMISOM iyo ciidammada dowladda ayaa weerar ku haya.

Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, Dr. Mahiga, ayaa isaguna wakaaladda wararka AFP u sheegay in AMISOM ay weerari doonto waddada u dhexeysa Afgooye iyo Muqdisho.